Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

Wararka maanta ee raadiyaha iswiidhen.

Informações:

Synopsis

Ra'iisul wasaare Ulf Kristersson oo lagu dacweeyay guddiga dastuurka ee baarlamaanka. Ururka daladda daryeelka caafimaadka oo ku dhawaaqay in uu balaadhiyo xanibaadda iska hori-maadka socda ee ka dhexeeya shaqo-bixiyeyaasha degmooyinka iyo gobollada Iswiidhan. Qiimaha oo kor u kacay bishii abriil 0,2 boqolkiiba marka loo barbardhigo bishii maarso ee ka horreeysay. Howlwadeennada Katamka oo gacanta ku dhigey maandooriye ka badan marka loo barbardhigo sannadkii ka horreeyey.