Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka maanta iyo Sweden
13/12/2024 Duration: 02minQorshe cusub oo lagu yareynayo cunsuriyadda. 200 oo qof ayaa habeen iyo maalin ka shaqeynayey dayactirka waddada xadiidka Malmbanan. Kirismaska cad oo ku yar koonfurta laakiin ku badan nawaaxiga waqooyi ee dalka.
-
Maanta iyo wararka radio Sweden
12/12/2024 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Tuhunkii la xirriiray kufsiga ee lagu soo eedeyey ciyaaryahanka kubada cagta ee Kylian Mbappé oo la baa bi'iyey.Sicir bararka ayaa bishii Nofeembar kor u kacay 1.8 boqolkiiba marka loo eego cabbirka hey'adda KPIF, sida lagu sheegay warsaxaafdeed ka soo baxay laanta tirakoobka ee SCB.Saddex qof ayaa xabsi dheer lagu xukumay, kadib markii ay ku lug lahaayeen samaynta iyo daabulida bamka Tarmuuseed iyo jebinta sharciga walxaha qarxa.
-
Wararka maanta iyo Sweden
11/12/2024 Duration: 02minGuud ahaan kala bar qashinka cuntadaSweden wuxuu ka yimaadaa qoysaska. Laba wiil oo aan qaangaarin oolagu qabtay magaalada Malmö. Shirkadda lacag waarididda ee Klarna oo lagu ganaaxay lacag nus bilyan ah.
-
Wararka maanta iyo Sweden
10/12/2024 Duration: 02minMaxkamadda Sare waxay tijaabinaysaa in la masaafuriyo qof dambiile ah. Cudurka shuban-biyoodka jiilaalkaoo xilligiisii la gaaray. Qalalaasaha internetka ee nawaaxiga Västerbotten.
-
Wararka maanta iyo Sweden
09/12/2024 Duration: 03minGo'aamada magan-galyo doonka Suuriya oo hakad la geliyey 15-jir gabar ah oo loo haysto dilka gabar ay isku da' yihiin 4-jir wiil ah oo dhintay ka dib shil ka dhacay dugsi xannaano Baaritaanka walxaha qarxa ee halista ah ee dukaanka agtiisa
-
Wararka maanta iyo Sweden
06/12/2024 Duration: 01minXukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa doonaya inay ballaariyaan awoodda booliiska ee isticmaalka kaamiradaha kormeerka. Kiruna ayaa noqon doontaa caasimadda dhaqanka ee qaaradda Yurub sannadka 2029. Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka guri dabaq ah oo ku yaal xaafadda Östervärn ee Malmö fiidnimadii khamiista.
-
Wararka maanta iyo Sweden
05/12/2024 Duration: 02minBooliska ayaa nin ayaa nin ka soo xiray bannaanka guriga ay degan tahay amiiradda Victoria. Nin 40 jir ah oo loo aqoonsaday inuu yahay xubin sare oo ka tirsan shabakada dambiilayaasha ee loogu yeero Foxtrot kaas oo ku xirna dalka Seerbiya ayaa talaadadii gacanta loo soo geliyay Iswiidhen. Afar qof oo dadoodu u dhaxayso 16 ilaa 21 sano ayay boolisku qabteen kadib qaraxii xalay ka dhacay magaalada Malmö.
-
Wararka maanta iyo Sweden
04/12/2024 Duration: 02minHal qof oo loo qabtay qarax ka dhacay fiidnimadii talaadada guri ku yaalla xaafadda Hässelby. Xulka gabdhaha kubada cagta Sweden oo soo baxay tartanka horyaalka qarammadda Yurub. Haweenka oo haysta fursado ka yar ragga in ay siyaasiyiin ka noqdaan deegaanada degmooyinka dalka.
-
Wararka maanta iyo Sweden
03/12/2024 Duration: 02minIswiidhen ayaa lacag gaaraysa182 milyan oo karoon ugu deeqaysa dadka ay dhibaatada baani ku hayso lix dalal. Booliska ayaa hadda isticmaalaya baraha bulshada si ay u joojiyaan dhalinyarada ay tashkiiliyaan kooxaha dambiilayaasha ah. Nin baa taksiile fiidnimadii isniinta ugu hanjabay bistoolad, ninkan ayaa la sheegay in uu ku eedeeyey in taksiiluhu oo si tartiib ah u kaxeenayay gaariga.
-
Wararka maanta iyo Sweden
02/12/2024 Duration: 01minNin iyo laba dumar ah ayaa lagu xukumay ganaax-maalmeed ah ka dib markii ay khudrad ku tuureen wasiirka arrimaha dibadda Maria Malmer Stenergard (M). Waxaa sii kordhaya tirada dhalinyarada ku khamaaraya lacagta, gaar ahaan wiilasha. Laga bilaabo sanadka cusub, lacagta warqadda boostada lagu diro ayaa lagu kordhin doonaa afar karoon.
-
Wararka maanta iyo Sweden
29/11/2024 Duration: 02minHay'adda saadaasha hawada - SMHI, ayaa soo saartaa digniin jaale ah oo ku saabsan silbasho baraf galabta manta iyo berrito oo sabti ah. Dadka lagu leeyahay deeymaha ardayda ayaa ah inay bixiyaan wax yar oo dheeraad ah sanadka soo socda. Qarax ayaa ka dhacay guri dabaq ah oo ku yaala xafaadda Kungsholmen ee magaalada Stockholm arroornimadii hore ee jimcaha.
-
Wararka maanta iyo Sweden
28/11/2024 Duration: 02minNin xubin sare ah oo ka tirsan shabakada dambiilayaasha ee Foxtrot oo dib loogu celinayo Iswiidhen. Baarlamaanka oo 'HAA' ku aqbalay soo jeedinta xukuumadda ee la xirriirta in la ogolaado in aan la magacaabin markhaatiga inta lagu guda jiro baaritaanada hordhaca ah iyo kiisaska dambiyada. Dhaqaalaha Iswiidhen oo ay ka muuqdaan calaamado soo kabasho ah, sida uu qabo machadka dhaqaalaha ee dawladda.
-
Wararka maanta iyo Sweden
27/11/2024 Duration: 02minBaarlamaanka Midowga Yurub ayaa maanta oo arbaco ah ugu codeeyay 'haa' guddiga cusub ee Yurub. Booliska ayaa baaraya labo qarax oo xalay labo magaalo ka kala dhacay. Ganacsiga badeecadaha ama alaabaha gacan labaadka ama second-hand ayaa sii kordhaya.
-
Wararka maanta iyo Sweden
26/11/2024 Duration: 01minTirada dadka ku dhaca wadna istaaga degdega ah ayaa ku sii socota inay hoos u dhacdo. Subaxnimadii Isniinta, ayaa heerkulka magalada Göteborg ka jiray lagu cabiray 14.0 digrii. Tess Olofsson ay noqon doonta garsooraha joogtada ah ee horyaalka ragga ee Iswiidhen bilowga xilli ciyaareedka soo socda.
-
Wararka maanta iyo Sweden
25/11/2024 Duration: 02minDhulgariir ayaa axadii ka dhacay baliga Vänern, ee ku yaalla koonfurta magaalada Karlstad. Wiil toban jir ah ayaa ku qarqamay barkad ku taal beerta madaddaalada ee Skara sommarlands xagaagan. Inta lagu jiro toddobaadka qiimo dhimista ee loo yaqaan Black Week, ayaa jira cadaadis badan oo saaran darawalada gawaarida yar yar ee xamuulka.
-
Wararka maanta iyo Sweden
22/11/2024 Duration: 02minWeriyaha ka hawl gasha Raadiyaha Iswiidhen ee qaabilsan Bariga Dhexe, Cecilia Uddén, ayaa ku guulaysatay abaalmarinta saxafiyiinta ugu weyn ee qeybta codka sanadka. Iswiidhen ayaa ka taageeri doonta wax soo saarka dalka Yukreeyn ee gantaalada riddada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee riddada dheer. Seddex qof oo Iswiidhish ah ayaa midkiiba toban sano oo xarig ah lagu xukumay, xukunkaa oo lala xiriirinayo dil ka dhacay caasimadda Sarajevo ee dalka Bosnia.
-
Wararka maanta iyo Sweden
21/11/2024 Duration: 03minDuufaanta ka jirta gobolka Västerbotten ayaa la filayaa inay sii xoogeysato. Shan qof ayaa loo soo xiray tuhun ah in ay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay xaafadda Östermalm maalintii axadda. Ra'iisul wasaare Ulf Kristersson ayaa ka faallooday xogta ah in Ruushku uu markii ugu horreysay ku riday dhanka Yukreeyn robotka isaga kala goosha qaaradaha.
-
Wararka maanta iyo Sweden
20/11/2024 Duration: 02minMaxkamadda sare ayaa xaqiijisey xukunka maxkamadda racfaanka, halkaas oo lagu xukumay labo madax oo ka hawl galayay shirkadda daryeelka ee Attendo. Todobo qof ayaa dacwad lagu soo oogay inay siyaabo kala duwan ugu lug lahaayeen afduub oo loo geeystay wiil 17 jir ah xagaagan. Dadka isticmalaa tubaakadada ama waxa afka Iswiidhishka loogu yeero 'snus', ayaa caawimaad ka heli doona goobaha daryeelka caafimaadka si ay u joojiyaan isticmaalka.
-
Wararka maanta iyo Sweden
19/11/2024 Duration: 02minBaraf iyo roobab baraf wata oo la filayo In ka badan nus milyan ayaa wax ka iibsaday Shein iyo Temu iyo Qaar badan oo ka mid ah toogashooyinka dhimashada ayaa la xalliyaa
-
Wararka maanta iyo Sweden
18/11/2024 Duration: 02minEbba Busch oo dooneysa in dib loo eego xuquuqda codbixinta. Saddex qof ayaa loo xiray dilka Akalla. Tirada dhimashada shilalka waddooyinka oo hoos u dhacday.