Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

Informações:

Synopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodes

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    14/06/2024 Duration: 01min

    dibadaha loo dhoofiyo ee ka yimaada dembiyada abaabulan oo sii kordhaya. Danjire matala dalka Ciraaq oo khamiistii looga yeerey wasaaradda arrimmaha dibadda Swden. Dadka dhiigga yabooga oo tiradoodu hoos u dhacdey.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    13/06/2024 Duration: 02min

    Labo nin oo Swedish ah ayaa la sheegay in lagu xukumay dil dalka Ciraaq. Iskuul ku yaal Malmö ayaa jabiyay sharciga takoorka. Barasaabka gobolka Kronoberg Maria Arnholm ayaa sheegtay in ay xog khaldan ku siisey warbaahinta. Hayada saadasha cimilada ee SMHI ayaa digniin jaale ah ka soo saartay roobab mahiigaan.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    12/06/2024 Duration: 02min

    Suuqa shaqada ayaa la filayaa inuu sii wiiqmo 2024. Shabakadaha dembiileyaasha Sweden ayaa ah khatarta u ah dunuubtaugu waaweyn ee ka dhaca waqooyiga dalka Norway. Xisbiga Socialdemokraterna ayaa soo jeediyey in carruurtada'doodu u dhexeeyso 6 illaa 9 sannadood in loo loo ogolado iney qeyb ka noqdaan goobaha firaqada iskuulka dabadii. Carl Bengtström oo bilad ku guuleystay jebiyeyna rikoodh.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    11/06/2024 Duration: 02min

    David lång oo ka tagay xilka xubinimada barlamaanka Iswiidhen. Xeer ilaaliye lagu soo oogay dacwad. Tirada wicitaanada Xarunta Macluumaadka Sunta ee ku saabsan curiyaha naytrojiin oxid NO2 ama lustgas oo kordhay. Tan iyo intii boolisku hirgaliyey aaga amaanka ee xaafada Hageby ayay qabteen maandooriye.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    10/06/2024 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wakaaladda canshuuraha iyo diiwaangelinta oo wax ka bedeli doonta nidaamkeeda diiwaangelinta.Boliiska oo hoos u dhigay baaristii shilkii ey ku geeriyoodeen laba waayeel oo ka dhacay dekedda nawaaxiga Furusund magaalada Stockholm ee jasiirradaha skärgård.David Lång oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna ayaa kulankii xalay ee xisbiga SD ku luuqeeyay hees jarmal ah oo faqooq xambaarsan.Siddeed qof oo shalayto rumaanka la dhigey.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    07/06/2024 Duration: 02min

    Labo qof ayaa loo xidhay ka dib dilkii fanaankii rap-ka ee Gambelo. Shirkada tareenada SJ oo soo bandhigtey 200,000 tigidh xiliga xagaaga. Masraxa tiyaatarka kunguliga Opera oo lagu ganaaxay 3 milyan oo karoon oo ganaax ah. Diyaaradaha ciidamada Iswiidhen oo Gaashaanbuurta Nato la sameeyneya hawlagalo.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    05/06/2024 Duration: 02min

    10 qof oo dhaawac ka soo gaadhay ka dib markii gaadhiga ardaydu saarnayeen gidaarkiisu jabay. Nin rumaan la dhigay oo lagu tuhunsan yahay argagixisinimo. Qasriga boqorka oo joojiyey xafladii lagu qaban jirey qasriga. Will 22 jir ah oo lagu xukumay xabsi daa'in.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Sweden.

    04/06/2024 Duration: 02min

    19 jir ayay maxkamadda degmada Ystad ugu xukuntay xukun xabsi daa'in ah dil uu geeystay. Ninkan ayaan qiran dembiga. Goobaha lagu dabaasho dalka ee biyahooduna tayada leeyihiin ayey tiradoodu kor u kacdey. Heyadaha oo aan ku wanaagsaneyn iney xaqiijiyaan aqoonsiga qof Sweden safar ku yimaada.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    03/06/2024 Duration: 02min

    Will 17 jir ah ayaa lagu soo oogay tuhun dacwad la xidhiidha inuu laba habeen gudahood ku dilay saddex qof. Iskuul ku yaala Nörkopping oo loo xidhay sababo la xidhiidha cimilada. 13 000 oo kalkaaliye caafimaad ah ayaa xirfadda shaqada isaga tagay sababo la xidhiidha galdaloollo dhanka deegaanka shaqada.

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    31/05/2024 Duration: 02min

    Ergeyga dalka Iran ee Sweden oo beenisey wararka sheegaya in Iran qorato dad rabshado ka sameeya Sweden. Tirada dadka ku xidhan xabsiyada oo korodhay sanadihii 2022-2023. Heyadda SMHI oo ka digaysa roobab iyo onkod deegannada Västergotland iyo Jönkoping.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.

    30/05/2024 Duration: 02min

    Subaxnimadii saaka ayuu booliisku faaruqiyay xero teendho ah oo ku taal jardiinada Lundagård, halkaas oo mudaaharaad ka dhan ah Israa'iil uu ka socday tan iyo 16-kii May. Tan iyo markay shirkadda SJ la wareegtay maamulka tareennada dusha mara ee gobolka Stockholm, kalsoonidu aad ayay u korodhay, sida uu qoray wargeeyska Dagens Nyheter.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    29/05/2024 Duration: 02min

    Ra'iisul Wasaare Ulf Kristersson ayaa X ku qoray in Sweden iyo Midowga Yurub ay filayaan in Israa'iil ay hakiso duulaanka Rafah si loo badbaadiyo dadka rayidka ah Lorena Delgado Varas oo ah xubin ka tirsan xisbiga Bidixda ee baarlamaanka ma xidhato shaalka falastiiniyiin marka ay ka doodayso aqalka Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa shaqada ka ceyriyay shaqaale ka tirsan waaxda isgaarsiinta ee xisbigaas,

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.

    28/05/2024 Duration: 03min

    Labo dumar ah ayaa lagu xiray dalka Mareykanka, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen dil. Isbeddelka cimiladu waxay keentaa xilliyada xasaasiyadda oo is beddela, taas oo ku adkeynaysa dadka xasaasiyadda faxalka iyo neefta qaba. Anders Persson, oo bare ka ah cilmiga siyaasadda ee jaamacadda Linnaeus oo diiradda saaraya Israa'iil iyo Falastiin, ayaa xafiiskiisa la burburiyay, sida uu sheegay Expressen.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    27/05/2024 Duration: 01min

    Markhaati lagu xukumay xabsi daa'in, tignoolajiyada cusub iyo raadadka DNA-ga ayaa daaha ka feyday. Sweden waxa laga bilaabay wax loogu yeedho golaha wax-akhriska cusub ee Sweden. Shantii sano ee la soo dhaafay, 3,3 bilyan oo karoon ayaa lagu bixiyay magdhowga caymiska ee la xidhiidha arrimaha burburka dabiiciga ah ee soo gaadhay 50,000 guri.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.

    24/05/2024 Duration: 02min

    Qofkii bas ku raaceeyaa maanta gaariga lugaha leh ee dhallaanka lagu kaxeeysto, waayeelka ee magaalada Stockholm ayaan u baahneyn iney lacag bixiyaan. Hase yeeshee uu isbedel ku dhici doonaa. Xulka qaranka Jekiyen ayaa ciyaarta xigta lakulmi doona xulka xulka dhiggooda Sweden ciyaarta xeegada barafka. Isniintii ayaa toogasho lagu diley nin xaafadda Bredäng oo dhacda koonfurta magaalada Stockholm, iayadoona laba walaalo ah rummaanka loo dhigey.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    23/05/2024 Duration: 02min

    Ubaxa lagu magacaabo majblommor ayaa sannadka rikoor cusub jebiyey oo la iibiyey 90 malyan oo karoon. Cilmi-baaris cusub oo lagu sameeyey Sweden ayaa lagu ogaadey inaanu qofku ka caafimaad badneyn haddii uu ku guuleeysto bakhtiyaanasiib ama uu lacag badan ku helo degdeg. Markii ugu horreeysay sannad iyo bar ayuu hoos u dhacay, hoos u dhicii iibsiga cunnada Sweden lagu samcadeeyo. Heyadda saadaalinta hawada - SMHI ayaa ka digtay halista dab ka kaca duurka goobo badan oo dalka ka mid ah.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    22/05/2024 Duration: 03min

    Xeerilaaliyaha maxkamadda caalamiga dunuubta ee ku taalla magaalada Haag (ICC) ayaa codsaday in gacanta lagu soo dhigo dad ey ka mid yihiin madaxa xukuumadda dalka Israa'iil Netanyahu iyo hoggaamiyaha ururka Xamaas Sinwar. Xukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa heshiis ku ah in dalka Yukrayn la siiyo 75 bilyan oo karoon.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.

    21/05/2024 Duration: 02min

    Dilkii toogashada ee dhowaan ka dhacay god buundo hoosteed ah ee xaafadda Skärholmen loogu geeystay nin ayaa u muuqda mid baaristiisu ay guul ku dhowdahay. Aabbe lagu eedeeyey inuu dhowaantan diley laba carruur ah oo uu dhalay ayaa qirtay maanta, sida lagu qorey Dagens Juridik. Xaalad degdeg ah ayey ku jiraan kalluunka maska u eg -ålen iyo kalluunka cascas ee badda Östersjön. Lammaane ku dhaqan Halland oo xabsi lagu xukumey, kadib dhibaatooyin ey u geeysteen ilmahooda.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    20/05/2024 Duration: 01min

    Labo qof ayaa la xiray ka dib markii toogasho lagu dilay saaka aroortii xaafadda Bredäng ee koonfurta Stockholm, sida ay booliisku sheegeen. Orodyahano badan ayaa aad u kululaaday markii ay ordeen Maaradoonka Göteborg sabtidii hore. Khatarta dabka cawska ayaa hadda u wareegtay woqooyiga dalka.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    17/05/2024 Duration: 02min

    Xukuumadda Sweden ayaa go'aan kale ku gaartay miisaaniyad hor leh ee taageerada bani'aadminomo ee carriga Qaaza oo gaarsiisan120 malyan oo karoon. Magaalada Stockholm ayuu boliisku gacanta ku dhigay dhowr qof, halka dhanka kalena dhowr guri baaris uu ku sameeyay. Xisbiga Liberalerna ayaa soo jeediyay in la joojiyo maalgelinta xisbiyada ee akaawnada qarsoodiga ah, kadib shaacintii uu barnaamijka Kalla Fakta ee ka baxa telefishanka TV ee uu ka sameeyay xisbiga Sverigedemokraterna.

page 1 from 25